Puntland oo ku eedaysay madaxda dowladda federaalka in ay ku howlanyihiin burburinta dowlad goboleedyada

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay maanta oo Axad ah in ay walaac ka qabto hab dhaqanka masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan geedi socodka dowladnimada Soomaaliya.

“Dowladda Puntland waxay aad uga wel-welsantahay hab dhaqanka hoggaamineed ee madaxda dowladda dhexe ee federaalka ah, kaas oo si cad uga hor imaanaya, curyaaminna ku ah geedi socodka in dalka ay ka hirgasho dowladnimo ku salaysan qawaaniinta iyo ku dhaqanka sharciga.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Puntland ayaa ku eedaysay madaxda dowladda federaalka in ay ku howlanyihiin burburinta dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Puntlabd waxay sheegtay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay hareer mareen hab-qaybsiga deeqaha beesha caalamka ay siiyaan Soomaaliya, iyaga oo u adeegsanaya in ay ku abuuraan xasilooni daro iyo isku dirida shacabka.

War-saxaafadeedka, dowladda Puntland waxay ugu baaqday madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in in ay si deg deg ah u joojiyaan farogelinta ay ku hayaan doorashooyinka maamulada Galmudug iyo Jubbaland.

Xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sii xumaanayay tan iyo wixii ka dambeeyay shirkii Garoowe ee u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada kaasoo ku dhammaatay natiijo la’aan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*