Puntland oo fasaxday idaacada daljir kadib cafis madaxweyne

Garoowe-(Puntland Mirror) Idaacada maxaliga ah ee Radio Daljir ayaa la fasaxay kadib markii digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland lagu sheegay in madaxweynaha uu cafis u fidiyay.

Idaacada ayaa albaabada loo xiray 23-dii bisha Juun ee lasoo dhaafay Kadib markii amar kasoo baxay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade lagu sheegay in la xiro dhamaan xarumaha idaacada Daljir ee gobolada Puntland.

Xiritaanka idaacada ayaa lala xiriirinayaa kadib wareysi ay la yeelatay guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo maleeshiyaad ku haysta deegaan kuyaala gobolka Bari.

Radio Daljir ayaa ah idaacada maxaliga ah ee ugu weyn gobolada Puntland.

Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ugu khatarta badan caalamka oo ay saxaafada ka howlgasho.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*