Puntland oo beenisay warbixin sheegaysa in diyaarada Daalo Airline ay ka mamnuucday garoomadeeda

Diyaarad ay leedahay Daalo Airline oo fadhiga garoonka diyaaradaha ee Boosaaso. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa beenisay warbixin sheegaysa in diyaarada Daalo Airline laga mamnuucay garoomada Puntland.

“Wasaarada Duulista Hawadda iyo Garoomadda ee Dowladda Puntland, waxa ay cadaynaysaa in aan waxba ka jirin warbixinta lagu sheegay in Shirkadda Daalo Airline laga mamnuucay garoomada Puntland.” Agaasimaha wasaarada Xoosh cali ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu dhiggaay boggiisa Facebook-ka.

Waxa uu sheegay in duulimaadyadii caadiga ahaa ee Daalo Airline ay ku imaan jirtay Puntland ay maanta oo Isniin ah ka sameysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Agaasimaha ayaa intaas ku daray in Daalo Airline ay garoomada Garoowe iyo Boosaaso ay ka qaaday xujeydii ay dalka Sucuudiga geynaysay.

“Garoomadda Puntland waxaan kusoo dhawaynaynaa cidkasta ama diyaarad kasta oo si sharci ah ku imanaysa kagana duulaysa, anaga oo adeeg ay ku qancaana u diyaarinayna.” Ayuu yiri.

Warbixinta Caasimada Online

Mareegta Caasimada Online ayaa daabacday maanta oo Isniin ah warbixin ay ku sheegayso in Puntland ay deeganadeeda ka mamnuucday diyaarada Daalo Airline.

Warbixinta mareegta Caasimada Onilne. [Screenshot]
Warbixinteeda, Caasimada Online kuma xusin wax ilo-wareed lagu kalsoonaan karo ah oo ay ka soo xigatay warbixinta.

Daalo Airline oo kamid ah shirkadaha diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee la asaasay burburkii Soomaaliya kadib ayaa ka shaqeynaysay garoomada Puntland muddo dheer.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*