Puntland oo 17 maxaabiis ah oo u dhashay Iran xabsi ka sii daysay

Puntland oo 17 maxaabiis ah oo u dhashay Iran xabsi ka sii daysay. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Puntland ayaa sii daysay 17 maxaabiis ah oo u dhashay Iran, sida ay sheegtay maxkamada sare ee Puntland manta oo Khamiis ah.

Maxaabiista ayaa ku jiray xabsi kuyaala magaalada Boosaaso muddo sideed bilood ah kadib markii maxkamada darajada kowaad ee gobolka Bari ay ku xukuntay in ay si sharci daro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Puntland.

Bishii Oktoobar ee 2017-kii, hal badmaax oo u dhashay dalka Iran ayaa dhintay kadib markii ciidanka badda Puntland ay rasaas ku fureen labo doonyood oo ay wateen maxaabiista la sii daayay maanta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*