Puntland iyo Jubbaland oo war-murtiyeed wadajir ah ka soo saaray shirkoodii Boosaaso

Boosaaso-(Puntland Mirror) Kadib shir muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Boosaaso oo u dhaxeeyay madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta oo Isniin ah laga soo saaray war-murtiyeed wadajir ah.

War-murtiyeedka ayaa diirada lagu saaray arrimaha u gaarka ah labada maamul sida iskaashiga dhinacyada kala duwan sida horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada, iyo la dagaalanka argagixisada. Sidoo kale waxay ka hadleen doorashooyinka qaranka ee soo socda iyagoo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan diyaarin jawi ay ku dhici karto doorasho qof iyo cod ah.

Sharciyada shidaalka, iyo saxaafada, faragelinta dowladda dhexe ay ku hayso dowlad goboleedyada, dhaqaalaha lagu helo magaca Soomaaliya iyo arrimo kale oo badan ayaa looga hadlay war-murtiyeed-ka.

Hoos ka Akhriso war-murtiyeed oo dhammeystiran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*