Nin hubaysan oo aan haybtiisa la aqoon oo labo askari oo ciidamada Puntland ka tirsan ku dilay Boosaaso

Boosaaso waa xarunta ganacsiga dowladda Puntland ee Soomaaliyeed. [Sawirka: Maxamed Axmed/Puntland Mirror]
Boosaaso waa xarunta ganacsiga dowladda Puntland ee Soomaaliyeed. [Sawirka: Maxamed Axmed/Puntland Mirror]
Boosaaso–(Puntland Mirror) Nin hubaysan oo aan haybtiisa la aqoon ayaa galabta oo Isniin ah magaalo xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari ku dilay labo askari oo katirsan ciidamada dowladda Puntland, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Askarta geeriyootay ayaa magacyadooda lagu sheegay Maxamed Jaamac Xirsi iyo Bashiir Maxamed Cabdirixmaan.

Ninkii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta markii ay toogashadu dhacday, sida ay sheegeen goobjoogayaashu.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilkaas ilaa iyo hadda.

Intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxaa ka dhacayay weraro dilal ah oo taxane ah kuwaasoo lagu bartilmaameedsanayo saraakiisha ammaanka iyo masuuliyiinta sare ee dowladda.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*