Niman hubeysan oo xildhibaan katirsan Puntland ku dilay magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. [Sawirka]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Niman hubeysan ayaa xildhibaan katirsan Puntland ku dilay magaalada Gaalkacyo fiidnimadii caawa oo Arbaco ah, sida ilo-wareedyo ammaanka katirsan ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Cabdixakiin Macalin Daahir, oo ahaa xildhibaan katirsan Puntland ayaa niman baastoolado ku hubeysan ku dileen meel u dhow huteel Classic ee Gaalkacyo, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Mid kamid ah ilaaladiisa ayaa sidoo kale lagu dilay weerarka, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Ma jirto koox si deg deg ah u sheegatay masuuliyada dilka, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay dhowr dil oo lala beegsaday masuuliyiin katirsan Puntland gudaha Gaalkacyo sanadihii lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*