Maxkamada ciidamada Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay shan xubnood oo katirsan Al-Shabaab

Maxkamada ciidamada Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay shan xubnood oo katirsan Al-Shabaab. [Xigashada Sawirka: Puntlandi]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada Puntland ee gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso ayaa maanta oo Sabti ah dil toogasho ah ku xukuntay shan xubnood oo katirsan Al-Shabaab.

Cabdifataax Xaaji Aadan, guddoomiyaha maxkamada ciidamada Puntland ayaa iclaamiyay go’aanka kama dambaysta ah ee maxkamada.

Shanta nin ayaa ciidamada ammaanka Puntland ku qabteen gudaha Boosaaso bartamihii bishii April kadib iyaga oo isku dayayay in ay qarxiyaan gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa, sida ay sheegeen ilo-wareedyo amaanka ah.

Intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, Boosaaso ayaa la kulantay mowjado weeraro dhimasho leh oo lala eegtay masuuliyiin katirsan dowladda iyo dad shacab ah, waxaana masuuliyada weeraradaas sheegtay ururada argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*