Maxay waxqabad ku sheegeen golihii wasiiradda Puntland ee la riday?

Shirka soo bandhigada waxqabadka xukuumadii la riday. [Xigashada Sawirka: Radio Daljir]
Garoowe-(Puntland Mirror) Kadib markii Baarlamaanka Puntland uu riday golihii wasiradda asbuucii lasoo dhaafay, ayaa golaha wasiiraddu bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ay ku doonayaan in ay dib ugo soo noqdaan masraxa siyaasadda Puntland markale.

Golihii la riday ayaa shalay oo Axad ahayd Garoowe ka furtay shir ay ugu yeereen soo bandhigida waxqabadka xukuumada Puntland, iyaga oo ku qabtay qol yar oo kuyaala jaamacada Bariga Afrika faraceeda Garoowe, waxaana madasha ka qeybgalay dad kooban oo si gaar ah loo casumay.

Waxaa yaab leh fajacna ku noqotay dad badan soo bandhiga waxqabadka wasiiradda ee timid markii la riday iyo sababta ay awal u qaban waayeen madal tan oo kale ah oo ka balaaran ayna ku soo bandhigaan waajibaadka loo igmaday.

Maxamed Xuseen waa aqoonyahan ka qeybgalay madasha shalay ka dhacday Garoowe oo ay wasiiraddu sheegeen in ay ku soo bandhigayaan waxqabadkooda, Maxamed waxa uu walaac ka muujiyay waxa meesha lagu soo bandhigay in ay ahayd waxqabad iyo in ay ahayd siminaar caadi ah.

“Waxaan ka qeybgalay madasha ay golihii xasaanada laga qaaday ku sheegeen in ay ku soo bandhigayaan waxqabadkooda, runtii aad baan ula yaabay waxa ay meesha la yimaadeen iyo waajibaadka loo wakiishay, waxay ahayd kaaf iyo kala dheeri,” ayuu aqoonyahan Maxamed u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

“Qaar kaimd ah wasiiraddii meesha ka hadlay waxay soo bandhigeen wax aad looga naxo marka loo fiiro masuuliyada loo wakiishay, tusaale ahaan qaar baa waxay soo bandhigeen siminaaro maalmeed iyo xusas maalmeed waxaas oo ay ku sheegeen waxqabad, aad baan uga xumaaday,” ayuu ku daray aqoonyahanku.

Aqoonyahanka ayaa sheegay in wasiiradda xasaanada laga qaaday aysan bulshada ku qanci karin waxa ay qabteen intii ay xafiiska joogeen, waxaana uu Madaxweynaha iyo masuuliyiinta sare ee dowladda kula taliyay in inta xilka uga harsan ay bulshada u soo dooraan dad daacad ah oo ay ka go’antahay in ay dadkooda iyo dalkooda wax u qabtaan.

“Kuwaani tage si kastoo ay ahaayeenba, balse Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas iyo ku xigeenkiisu waxay haystaan fursad ay ku soo dooran karaan wasiiro daacad ah oo dadkooda iyo dalkooda wax u qaban kara inta ka harsan wakhtiga dowladda hadda jirta, waayaha baana qori doonaa ninkii tiin beera iyo ninkii timir beera.” Ayuu yiri Maxamed.

Warbaahintii ka qeybgashay madasha ayaa damacday in ay su’aalo weydiiyaan wasiiradda balse waa ay diideen in wax su’aalo ah la weydiiyo, sida ay Puntland Mirror u sheegeen ilo-wareedyadu.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadda ku guda jira soo magacaabida golihii badi lahaa kuwoo la riday, taasoo ay dad badan oo reer Puntland ah ay u dhago taagayaan sida ay noqon doonaan golaha wasiiradda cusub ee uu dhawaan soo dooran doono Madaxweynuhu.

Puntland dhowr beri kadib waxay u dabaal degaysaa sanadguuradeedii 18-aad oo dowladnimo ah tan iyo markii la asaasay sanadkii 1998, 18-sanno kadib inkastoo wax badan la qabtay haddana haykalka dowladeed ayaa waxaa curyaamiyay musuqmaasuq balaaran oo musiibo ku noqday maamulka qaan gaarka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*