Maraykanka: Dhalinyaro Soomaaliyeed oo dambiyo lagu helay

Dacwad loo haystay wiilal Soomaaliyeed, ayaa go’aan kama dambays ah laga gaaray, waxaana lagu helay dhammaan dambiyadii loo haystay kadib markii gacanta loo gashay kiiskooda Xeerbeegtida dalka Maraykanka.

Kiiska wiilashan, ayaa muddo badan 14 cisho ka socotay maxkamad ku taalla Minnesota, waxaana dood iyo cadaymo kadib loo gudbiyay xeerbeegtida dalkaas oo loo qaybtay inay kiiskan kusoo afmeeraan muddo 2 casho ah.

Xeerbeegtidii Minnesota ee gacanta ku hayay kiiska seddexda wiil, ayaa sheegtay in dhammaan dambiyadii cuslaa ee lagu soo eedeeyay dhalinyaradaasi lagu heley.

Dhalinyaradan kala ah; Guuleed Cumar, Cabdiraxmaan Daa’uud iyo Maxamed Faarax, ayaa lagu eedeeyay inay qorshaynayeen dilal ay ka gaystaan meelo ka baxsan dalkaasi, sidoo kale waxaa lagu soo dacweeyay inay rabeen ku biirista kooxda Daacish.

Qaadiga ugu sarreya maxkamadda, ayaa hadda leh go’aanka ugu dambeeya, wuxuuna awood u leeyahay inuu khafiifiyo ciqaabta dambiyada lagu helay oo gaarsiisan xabsi da’im.

Qaar kami ah waalidiinta dhashay wiilasha la maxkamadeeyay ayaa ku dooday inaan si cadaalad ah loo marin kiisaska carruurtooda, waxayna tilmaameen inaan sifo sharxi ah loo marin qaadista kiiska wiilashooda.

Qaabkan hoose ayaa dambiyada wiilasha Soomaaliyeed loo cadeeyay;

Maxamed Faarax waxaa lagu helay inuu galay dhamaan dambiyada lagu soo eedeeyey oo ahaa inuu doonayey inuu ku biiro ISIS iyo inuu dibedda ka gaysto dil, been abuur iyo inuu FBI been u sheegay.

Guuleed Cali Cumar waxaa lagu helay inuu galay dhamaan dambiyada lagu soo eedeeyey oo ahaa inuu doonayey inuu ku biiro ISIS iyo inuu dibedda ka gaysto dil, iyo ku takri-fal deeq waxbarasho.

Cabdiraxmaan Daauud waxaa lagu helay inuu galay dambiyada lagu soo eedeeyey oo ahaa inuu doonayey inuu ku biiro ISIS iyo inuu dibedda ka gaysto dil, waxaase lagu waayey inuu sameeyey been abuur.

Maaha markii ugu horraysay dambi lagu helay wiilal Soomaaliyeed, balse waxay kusoo beegmaysa xilli dhalinyaro badan ku biireen kooxda Daacish.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*