Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku tilmaamay “riyo maalmeed” shirkii madaxda maamul goboleedyada ee ka dhacay Garoowe

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cumar Camay ayaa kasoo horjeestay shirkii u dhaxeeyay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya oo dhawaan lagu qabtay magaalada Garoowe.

Wareysi uu siiyay taleefishinka maxaliga ah ee SBC, ayuu ku tilmaamay go’aanadii kasoo baxay shirka sida “riyo maalmeed” oo kale.

“Shirkii halkan dadku waa la wada socdeen ummadda Soomaaliyeed oo dhan, diidmo dhab ah baa ummadda Soomaaliyeed shirkaas isaga ah ka keentay, goaamadiisii waa u cuntami waayeen dadka marka runta loo eego, mar aan hadlayay waxaan ku tilmaamay riyo maalmeed, marka wax suurtagal ahna ma ahan, waxaan ummadda meel kasta oo ay joogto ugu boggaadinayaa in ay taageeraan qaranimada Soomaaliya, anagu mid ma taageerno labo ma taageerno laakiin qaranimada ummada Soomaaliyeed waa muqadas, wax taaban karaana  ma jiraan,” ayuu yiri.

“Marka shirkaas burburin un buu ahaa ummadda la burburinayo iyo dowladda,” ayuu kus ii daray.

Mar la weydiiyay in uu dowladda dhexe la xiriiray si wadahadal loogu dhammeeyo khilaafka jira, Camay ayaa ku jawaabay: “Madaxweyne Farmaajo waanu wada hadalnay, wuxuuna aqbalay in uu la hadlo, runtii maamul goboleedyada laftigooda baa ku kala jaban arrintaas, qaar wey rabaan in la wada hadlo qaar ma rabaan,”.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada sii looga wada hadlo xal u helista khilaafka taagan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya asbuucaan, taasoo noqoneysa markii labaad oo Madaxweyne Farmaajo uu madaxda Dowlad Goboleedyada ugu yeero shir wadatashi tan iyo bishii September markaasoo madaxda sare ee Dowlad Goboleedyada Soomaaliya shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ku hakiyeen wadashaqeynta Dowladda Dhexe.

Hadalka Camay ayaa muujinaya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali iyada oo ay soo aadantahay doorashada madaxtinimada Puntland, oo la filayo in la qabto bishan Janaayo ee 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*