Madaxweyne Farmaajo oo tagay Beledweyne

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Beledweyne. [Sawirka: Twitter]
Beledweyne-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah tagay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ee Beledweyne ayaa ah sidii uu arki lahaa dhibbaatooyinka ay fatahaaduhu u geysteen halkaas.

Dad gaaraya 427,000 ayaa waxaa saameeyay fatahaado kadib markii roobab da’ay ay keeneen in wabiyadu ay qarka jabiyaan maalmihii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen haayadaha samafalka.

Ku dhawaad 120,000 ayaa ku barakacay magaalada Beledweyne oo kamid ah meelaha ugu daran oo ay saameeyeen fatahaaduhu markii wabiga Shabeelle uu jabsaday qararkiisa.

Sabtidii, Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka codsaday haayadaha samafalka in ay gargaar la gaaraan dadka ay wax yeeleeyeen fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*