Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo Baydhabo tagay

Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

 

Baydhabo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaco ah gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Waxaa madaxweynaha iyo wefdiga uu hoggaminayo kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Baydhabo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, guddoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo dad shacab ah oo badan oo madaxweynaha kusoo dhaweeyay jawi ay farxad ku dheehnayd.

Madaxweyne Xasan ayaa Baydahob u yimid ka qaybgalka shirka madasha qaran oo u dhaxeeya madaxda dowlada federaalka iyo hoggaamiyaasha maamul goboleedyada dalka ka jira.

Baydhabo ayaa markii kowaad martigelinaysa madashaas qaran oo horey kulamadii kan ka horeeyay loogu soo qabtay magaalooyinka Garoowe, Muqdisho iyo Kismaayo.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaa sidoo kale Baydhabo gaaray madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Shirka madasha qaran ayaa lagu wadaa inuu galabta ka furmo Baydhabo waxaana looga hadlayaa hanaanka doorashooyinka dalka ka dhacaya bisha Agoosto ee sanadkan 2016-ka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*