Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo xariga ka jaray dhismaha safaarada cusub Turkiga

xarig ka jarid

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga a ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray dhisamaha cusub ee Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Da’uud Aweys oo ku sugan Xafladda furitaanka Safaaradda Cusub ee Turkiga ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay maanta oo Jimco ah si rasmi ah u fureen Safaaraddii ugu weyneyd ee Turkigu uu ka dhisto Caalamka.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa hadda kulan kula leh dhismaha safaaradda Madaxda Dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya sida Madaxweynaha, gudoomiyaha Baarlamanka R/wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*