Madaxweynaha Puntland oo sheegay in uu ka qeybgali doona shirka Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo saxaafada kula hadlayay Garoowe. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ka qeybgali doona shir u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, kaasoo ka dhici doona Muqdisho asbuuca soo socda, madaxweynaha ayaa shir saxaafadeed maanta oo Talaado ah ka dhacay Garoowe ka sheegay.

“Madaxweynaha dawladda Fadaraalka Soomaliya ayaa noosoo diray casuumad 28-ka bisha October 2017 inaanu  isugu nimaadno Xamar, waxaan rabaa inaan sheego anigoo ku hadlaya magaca dawladdaha xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya inaan aqbalnay casumaaddaas kana qayb gelayno shirkaa isaga ah” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxaa jiray khilaaf soo ifbaxayay oo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada tan iyo markii intooda badan maamuladu ay la safteen xulufada Sucuudi Caraabiya ee kasoo horjeeda Qatar, halka dowladda dhexe ay sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay khilaaf Khaliijka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*