Suuqyada Garoowe oo mashquul la ah diyaargarowga Ciidul Fitriga

suuq Garoowe
Dadka ka dukaamaysanaya suuqa Garoowe, April 19, 2023. [Isha Sawirka: Puntland Mirror]

Garoowe-(Puntland Mirror) Suuqyada Garoowe ayaa waxaa ka socda howlo ganacsi oo mashquul badan iyadoo kumanaan dad ah ay halkaas u tageen si ay uga iibsadaan dhar cusub, macmacaan iyo waxyaabo kale oo muhiim ah si ay ugu diyaargaroobaan Ciidul Fitriga oo la filayo in ay noqoto beri oo Jimce ah.

Dhaqdhaqaaqa weyn ee ka socda suuqyada Garoowe ayaa sanadkan waxaa saameeyay dagaalka Laascaanood kaasoo sababay in dad badan ay Garoowe u soo qaxaan, halka ganacsatadii Laascaanood ay halkaan ka dugaamaysteen kadib markii uu istaagay xiriirka ganacsi ee ay la lahaayeen magaalooyinka maamulka Somaliland, sida ay ganacsatadu u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Qiimaha alaabta ayaan aad u kicin sanadkan, marka loo eego sanadihii hore kuwaasoo ganacsiga uu saameeyay xayiraadii caalamka ee caabuqa Covid-19, sida ay sheegeen ganacsatada.

Lacagta danabysan ee E-money ayaa ah tan keliya oo wax lagu kala gadanayo kadib markii Shilling Soomaaliga uu isticmaalkiisa ka istaagay Puntland bilowgii 2021. Dhimashada Shilling Soomaaliga ayaa saamayn ballaaran ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada sida kuwo dakhligoodu hooseeyo iyo dadka kunool deegaanada fog-fog oo aan isgaarsiinta ka jirin.

Bisha barakaysan ee Ramadan oo ah bisha sagaalaad ee bilaha Islaamka ayaa maanta oo Khamiis ah ku beegan 29, waxaana la filayaa in beri laga ciido dalalka Islaamka, haddii la arko bisha Shawaal galabnimada Khamiista.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*