Madaxweynaha Puntland oo ku eedeeyay Somaliland in ay daandaansi milatari ka wado gobolka Sanaag

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlaya shir ka furmay Garoowe March 12, 2019. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay daandaansi milatari ka wado gobolka Sanaag.

Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay Garoowe maanta oo Talaado ah ayaa sheegay in maamulka Somaliland ay maalmihii u dambeeyay ay dhaqdhaqaaq iyo duulaan ay ka waday gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Puntland ayaa intaas ku daray in Puntland ay marwalba tixgelinaysay nabadgelyada gobolka balse haddii Somaliland ay joojin weydo gardarada ay la kulmi doonto cawaaqib xumo.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa yimid kadib dhowr maalin markii Somaliland ay ciidamo keentay deegaano kuyaala gobolka Sanaag.

Sanadkii lasoo dhaafay, labada maamul ee deriska ah ayaa dagaal khasaare badan dhaliyay uu ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sanaag, halkaasoo ay weli isku horfadhiyaan labada ciidan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*