Madaxweynaha Puntland oo kormeer ku sameeyay ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan xerada 54-aad ee Garoowe

Ciidamada Puntland ee ku sugan xerada 54-aad. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Arbaco ah kormeer ku sameeyay ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan xerada 54-aad ee duleedka magaalada Garoowe.

Saraakiil ciidan oo hore oo uu kamidyahay Janaraal Maxamed Siciid Moorgan iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire ayaa madaxweynaha ku weheliyay kormeerka.

Af-hayeenka madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in ujeedka kormeerka uu ahaa tirakoobka iyo tayaynta dhismaha ciidamada Puntland.

“Ujeedka kormeerka madaxweynaha iyo kulanka gaarka ah ee uu la qaatay saraakiisha siidamada waxaa uu ku saabsanaa tirakoobka iyo tayeynta dhismaha siidamada Dowladda Puntland, si loo helo ciidamo tirsan oo tayeysan, taasi oo qeyb ka aheyd ballan-qaadyadii madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.” Ayuu yiri Jaamac Dabaraani.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*