Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata oo markii ugu horeysay tagay Soomaaliya si uu uga qaybgalo shir madeexda IGAD

uhuru-and-hassan-sheikh
Madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhaweynaya dhiggiisa Kenya. Sawirka: Facebook.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa maanta oo Talaado ah ka dagay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho si uu ugu qaybgalo shir madaxeedka urur goboleedka IGAD, kaasoo la qorsheeyay inuu maanta ka furmo Muqdisho.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Madaxweyne Uhuru kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Uhuru Kenyata ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay oo Kenyaati ah oo Soomaaliya taga muddo ku dhow 35-sanno.

Wasiirada arrimaha dibada ee dalalka Kenya iyo Jabuuti ayaa iyana soo gaaray Muqdisho maanta.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*