Madaxweynaha Dowladda Puntland oo qaabilay qunsulka cusub ee Itoobiya

Madaxweynaha Puntland oo xafiiska ku qaabilay qunsulka cusub ee Itoobiya, Januray 29, 2019. [Lahaanshaha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Talaado ah xafiiskiisa ku qaabilay qunsulka cusub ee Itoobiya.

Qunsulka cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland Mabratu Waldo Aragay iyo Madaxweynaha Puntland ayaa ka wadahadlay sidii loo dar-dargelin lahaa wadashaqaynta ka dhexaysa Itoobiya iyo Puntland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.

Mabratu Waldo Aragay ayaa bedelay qunsulkii hore ee Itoobiya Asmalaash oo muddo 13-sanno ah joogay xafiiska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*