Soomaaliya weli waa dalka ugu musuqmaasuqa badan dunida

Shanta wadan ee ugu nadiifsan dunida oo ay hoggaaminayso Denmarka iyo Soomaaliya oo ah dalka ugu musuqa badan iyo wadamada ku xiga ayaa laga arki karaa sawirkan.

Berlin-(Puntland Mirror) Soomaaliya waa dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka, sida ay warbixin sanadeedka 2018-ka ku sheegtay haayada kor-joogtaysa musuqmaasuqa dunida.

Warbixin sanadeedka haayada Transparency International oo fadhigeedu yahay magaalada Berlin ay maanta oo Talaado sii daysay ayay ku sheegtay Soomaaliya dalka ugu musuqmaasuqa badan dunida, iyadoo heysata 10 dhibcood boqolkiiba. Wadamada Suuriya, Koonfurta Suudaan, Yeman, Waqooyiga Kuuriya, iyo Suudaan ayaa ku xiga.

Denmark ayaa noqotay dalka ugu nadiifsan 180 dal oo ay haayada Transparency International qiimeynta ku sameysay.

Soomaaliya oo colaado sokeeye iyo ururo argagixiso la dageen 27-sanno ee u dambeysay,  ayaa kaalinta kowaad kaga jirtay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay.

Xukuumada hadda jirta ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ololihiisa ku galay in uu dagaal adag la geli doono musuqa, balse weli ma ay jirto ififaalo muuqata.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*