Madaxweynaha dalka Azerbaijan oo xaaskiisa ka dhigay madaxweyne ku-xigeen

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev (Bidix) iyo xaaskiisa Mihriban Aliyeva oo uu ka dhigay ku xigeen (Midig). [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev (Midig iyo xaaskiisa Mihriban Aliyeva oo uu ka dhigay ku xigeen (Bidix). [Xigashada Sawirka: Anadolu]
BAKU -(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa xaaskiisa Mehriban Aliyeva u magacaabay madaxweyne ku xigeenka dalka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Azerbaijan maanta oo Talaado ah.

Dadka reer Azerbaijan ayaa bishii lasoo dhaafay ee September, 2016, u codeeyay wax ka bedelida dastuurka dalka. Wax ka bedelida dastuurka waxaa lagu sameeyay jagooyin cusub oo ay kamidtahay madaxweyne ku xigeen iyo tiro kale oo ku si xigeeno madaxweyne ku xigeenka ah.

Wakhtiga xil haynta madaxweynaha dalka Azerbaijan ayaa sidoo kale laga dhigay todobo sanno, halka awal uu ka ahaa shan sanno.

Mehriban Aliyeva, ayaa jirta 52-sanno, waxayna maadada caafimaadka ku soo baratay dalka Ruushka, iyada iyo saygeeda oo ah madaxweynaha Azebaijan ayaa isku dhalay saddex caruur ah.

Maahan markii kowaad oo madaxweyne dal uu marwadiisa ka dhigto madaxweyne ku xigeen, horey ayaa waxaa u sameeyay kuwo kale.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*