Ku dhawaad 250 geel ah oo ku dhaabtay miyiga gobolka Nugaal oo la baadbaadiyay

Geela dhaabtay oo la badbaadinayo. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 250 geel ah ayaa laga baadbaadiyay kadib markii ay ku dhaabteen miyiga gobolka Nugaal, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda iyo dadka deegaanka.

Geela ayaa ku dhaabtay deegaanka Libaaxo ee gobolka Nugaal, sida dadka deegaanka ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Ilaa iyo 300 askari oo katirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa ka qeybgalay howlgalka geela dhaabtay lagu badbaadinayay, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha ciidamada difaaca Puntland Yaasiin Cumar Dheere.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa ka qeybgalay badbaadinta geela. [Isha Sawirka: Facebook]
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Geela uu ku dhaabtay kadib markii ay ciidu jilicday iyadoo halkaas uu ka da’ay roobab mahiigaan ah oo la socday duufaantii Pawan ee gobolka ku dhafatay Jimcadii.

Duufaanta Pawan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo ay kamid yihiin ilaa saddex qof oo dhimasho ah, guryo iyo beero burburay iyo xoolo ay daad la tageen, sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*