Koox looga shaki qabo Al-Shabaab oo labo dhakhtar oo u dhashay Cuba ku afduubatay deegaanka Mandheera

Isbitaalka guud ee Mandheera. [Sawir Hore]
Nairobi-(Puntland Mirror) Niman hubeysan oo aan la garanayn ayaa afduubtay labo dhakhtar oo u dhashay dalka Cuba waxayna dileen askari booliis ah meel u dhow xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, sida ay ku warameen warbaahinta Kenya maanta oo Jimce ah.

Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in nimanka weerarka geystay ay dhakhaatiirta kala dageen gaari ay saarnaayeen kadib weerarka oo ka dhacay deegaanka Mandheera ee waqooyi-bari Kenya.

Taleefishinka KTN ayaa sheegay in booliisku ay uga shaki qabaan in dhakhaatiirtaas loo kaxaystay gudaha Soomaaliya, ayna ka dambeyso maleeshiyada Al-Shabaab.

Mandheera ayaa ahayd goob ay ka dhaceen weeraro joogto ah oo lagu dilay tobonaan dad shacab ah iyo ciidamada ammaanka, oo ay masuuliyada sheegatay Al-Shabaab.

Waa weerarkii labaad oo shan bilood gudahood ka dhaca Kenya oo ka dhan ah dad ajnabi ah. Bishii November 2018, niman hubeysan ayaa dhaawacay shan qof iyagoona deegaanka Chakama ku afduubtay haweenay ka shaqeysa gargaarka oo u dhalatay dalka Talyaaniga. Lamana oga halka lala aaday haweenaydaas oo la dhaho Silvia Romano.

Maleeshiyada Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa kordhisay weerarada gudaha Kenya tan iyo markii ciidamada Kenya ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*