Kalfadhiga baarlamaanka Puntland oo ka furmay Garoowe

Kalfadhiga baarlamaanka Puntland oo ka furmay Garoowe. [Xigashada Sawirka: Facebook/Shareeco Yasin Shareeco]
Garoowe-(Puntland Mirror) Kalfadhiga golaha baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah ka furmay magaalada Garoowe.

Kalfadhiga ayaa waxaa ka qeybgalay maasuliyiin katirsan dowladda oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Kulanka maanta oo Sabti ah ayaa ah kalfadhigii 41-aad ee baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanada ayaa ka doodi doona dhowr ajando inta lagu guda jiro kalfadhiga, kaasoo la filayo in uu socdo muddo ka badan bil.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*