Hoggaamiyihii hore ee maleeshiyada Al-Shabaab Mukhtaar Roobow oo lagu xiray magaalada Baydhabo

Hoggaamiyihii hore ee maleeshiyada Al-Shabaab Mukhtaar Roobow Abu Mansuur. [sawir Hore]
Baydhabo-(Puntland Mirror) Hoggaamiyihii hore ee maleeshiyada Al-Shabaab Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa maanta oo Khamiis ah lagu xiray magaalada Baydhabo, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo deegaanka ah.

Ciidamada Itoobiya oo katirsan howlgalka Midowga Afrika Amisom ayaa xiray Roobow, sida ay ilo-wareedyadu intaas ku dareen.

Roobow oo sanadkii hore sheegay in uu ka baxay maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa hada u tartamayay madaxweynenimada maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar, Wasaaradda Amniga e Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Mukhtaar Roobow uusan u tartami karin madaxtinimada Koonfur Galbeed sababtoo ah ma buuxin shuruudihii looga baahnaa in dhammaan laga qaado cunoqabatayntii saarnayd.

Waxa uu diiday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku adkeystay in uu u tartamayo xilkaas.

Gudaha magaalada Baydhabo ayaa laga maqlayaa rasaas kadib xariga Roobow.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in ay dhacdo 19-ka bishaan December.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*