Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo sheegay cod sir ah oo laga duubay in uu ahaa mid uu ugu talogalay beeshiisa

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa qirtay in uu lahaa cod sir ah oo lagu daabacay online-ka.

Codka oo maalmihii u dambeeyay wareegayay warbaahinta bulshada ayaa Cabdixakiim Maxamed Axmed oo loo yaqaan Dhoobo-daareed kaga hadlay jabhadda uu hoggaamiyo Kornayl Caare oo fadhigeedu yahay magaalada Qardho iyo arrimo kale oo ay kamidtahay in uu dadka reer Qardho ku tilmaamay in ay kasoo horjeedaan xukuumada madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Dhoobo-daareed oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in codkaas uusan ahayn mid loogu talogalay warbaahinta balse uu u waramayay xubno katirsan beeshiisa.

“Nin iyo reerkiisa wadahadlayay oo is-wareysanayay war hoose buu ahaa xaqna waa ay iigu leeyihiin in ay wax i weydiiyaan dadka aan masuulka u ahay, is-wareysi hoose buu ahaa mid loogu talogalay warbaahin maa ahayn,” ayuu yiri Dhoobo-daareed.

Jabhadda Kornayl Caare

 Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa ku tilmaamay jabhadda Kornayl Caare in ay tahay mushkilad ka jirta gobolka.

“Mushkilada hadda jirta oo muuqata oo aan qarsoonayn waa hadda ninka jooga Qardho, oo aad moodin in uu u egyahay nin hadda rabba dalka in uu u qabto Somaliland,” ayuu ku sheegay codka sirta ah.

Dhoobo-daareed ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Deni aysan weli lahayn siyaasad cad oo ku wajahan arrinta jabhadda Kornayl Caare, isaga oo intaas ku daray in xukuumadii hore ee madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ay magangelyo siisay jabhadaas.

Caare, oo ah sargaal sare oo katirsanaan jiray ciidamada maamulka Somaliland ayaa sheegay in uu uga soo tagay cadaalad daro iyo dulmi, waxaana jabhadiisa uu ugu yeeray “dulmi diid”.

Qolada Qardho dowladda mucaarad bay ku tahay

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa ku sheegay codka sirta ah in reer Qardho ay mucaarad ku yihiin xukuumada cusub ee Deni.

“Waxaa kale oo iyana jirta qoladaan Qardho laftigeeda hadda joogta dowladda mucaarad bay ku tahay oo nimankii odaashii oo hormuudka u ahaa Qardho dowladan waa ay ku kacsanyihiin,” ayuu yiri.

Qaar katirsan cuqaasha Qardho oo la hadlay warbaahinta ayaa ku tilmaamay hadalka Dhoobo-daareed mid meel ku dhac ku ah bulshada Qardho, ayna waajib tahay in afhayeenku uu raaligelin ka bixiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*