Golaha deegaanka Badhan oo doortay duq cusub

Duqa cusub ee Badhan iyo ku xigeenkiisa oo la taagan wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland. [Isha Sawirka: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland]
Badhan-(Puntland Mirror) Arbacadii shalay waxay u ahady maalin doorasho magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaas oo xubnaha cusub ee golaha deegaanka ay doorteen duq cusub iyo ku xigeen.

Axmed Maxamed Timir ayaa loo doortay duqa cusub, halka ku xigeen ay noqotay gabar la dhaho Xaawo Maxamuud Faarax, sida ay sheegeen guddiga doorashada.

Doorashada ayaa waxaa soo qabanqaabiyay wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland waxaa kale oo goobjoog ahaa wasiirada amniga, duulista hawada, dhalinyarada & ciyaaraha iyo arrimaha haweenka.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in dowladdu ay la xisaabtami doonto golaha deegaanka si ay uga soo baxaan waajibaadkooda.

“Dowladdu waxay idiin kula xisaabtami doontaa in waajibaadkii bulshadu idiin igmatay aad ka soo baxdaan, hadday tahay daadajinta maamulka iyo adeega,” ayuu yri wasiirku, waxaa uu intaas ku daray “Waxaan idiin rajaynayaa in aad noqotaan muraayada dowladnimada ee deegaanka u matalaysa dowladda Puntland.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*