Gobolada Puntland oo looga dabaaldegay Ciidul Adxa

Masuuliyiinta dowladda oo uu ku jiro madaxweyne Deni oo salaada ciida ku tikanaya garoonka Mire Awaare, Garoowe, Agoosto 11, 2019. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Gobolada Puntland ayaa maanta oo Axad ah looga dabaaldegay Ciidul Adxa.

Magaalada caasimada ah ee Garoowe, salaada ciida ayaa lagu tukaday masaajidyada iyo garoonka kubada cagta Mire Awaare, halkaas oo ay isugu tageen boqolaal qof oo ay ku jiraan masuuliyiinta dowladda.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo hadal kooban ka jeediyay goobta ayaa bulshada Puntland iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasibada Ciidul Adxa, oo ah ciida labaad oo ay Muslimiinta sanad walba u dabaaldegaan.

Intii lagu guda jiray gudashada salaada ciida, dhammaan ammaanka ayaa aad loo adkeeyay dhammaan magaalooyinka waa-weyn ee Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*