Erdogan oo wacad ku maray in uu la dagaalami doono Islaam naceybka iyo ajaaniib naceybka

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. [Xuquuqda Sawirka: Anadolu News Agency]
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. [Xuquuqda Sawirka: Anadolu News Agency]
Ankara-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa balanqaaday in uu la dagaalami doono Islaam nacebyka iyo ajaaniib naceybka, isaga oo sheegay in ay khatar ku tahay ammaanka muwaadiniintooda ku nool dibada.

“Islaam naceybka iyo ajaaniib naceybka waxay meesha ugu saraysa kaga jiraan ajaandayaasha dowladdayada,” Recep Tayyip Erdogan ayaa sidaa u sheegay safiiro ka qeybgalaya shirka sagaalaad ee safiirada ee maanta oo Isniin ah ka dhacay caasimada Ankara.

Erdogan ayaa ugu yeeray safiirada gudaha Turkiga u fadhiya dalalka caalamka in ay sameeyaan sharciga la dagaalanka, xiriirka dadweynaha iyo bulshada rayidka ah kuwaasoo lid ku ah kooxaha, kuwaasoo oo uu sheegay in ay dhiirigeliyaan colaadaha, argagixisada, iyo naceybka kasoo horjeeda dalkiisa iyo muwaadiniintiisa.

“Waa in aan si wadajir ah ugu dagaalanaa bulshooyinka kale ee Muslimiinta iyo muhaajiriinta ah kuwaasoo wajahay dhibaatada lamidka ah,” ayuu yiri.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*