Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay markab dhuxul ka qaaday dalka oo gaaray Ciraaq

Dhuxul laga rarayo dekada Kismaayo. [Sawirka: AFP]
Muqdisho -(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay markab sida dhuxul laga keenay Soomaaliya oo tagay dalka Ciraaq.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan ayaa warbaahinta u sheegay in markabka oo ka yimid koonfurta Soomaaliya sidana 200,000 kiish oo dhuxul ah uu ku xirtay dekada Umm Qasri ee Ciraaq.

Abuukar ayaa cambaareeyay dhammaan dadka ku lugta leh dhoofinta dhuxushaas sharci darada ah, waxaana uu sheegay in ay khatar ku keeni karto ammaanka Soomaaliya sababtoo ah kooxaha xagjiriinta ah sida Al-Shabaab ayaa ka heli kara dakhli dhaqaale.

Markabka ayaa lagu waramay in uu wato dukumentiyo been abuur ah oo muujinaya in uu ka yimid dalka Ghana.

Lama oga dekada laga raray dhuxushaas balse waxaa loo maleynayaa in markabka uu dhuxusha ka qaaday mid kamid ah xeebaha koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsatay dowladda Ciraaq in ay baaritaan deg-deg ah ku sameyso arrinta markabkaas dhuxusha ka keenay Soomaaliya.

Dhoofinta dhuxusha ka timaata Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay soo saareen sanadkii 2012-kii, iyadoo la fiirinayo saameynta burbur ee deegaanka, iyo sii xumeynta colaadda iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimada.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, 8.2 milyan oo geed ayaa dhuxul ahaan loo jaray gudaha Soomaaliya intii u dhaxeysay 2011 iyo 2017, taasoo kordhisay cunno xumida dhulka iyo cunno la’aanta, iyo ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha oo dhaqdhaqaaqyo badan oo dhaqaale u ah maleeshiyooyinka iyo kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab.

Warbixin ay dabagalka Qaramada Midoobay sii deysay dabayaaqadii 2017 waxay ku sheegeen in kooxaha falaagada ah ay sanad walba qiyaas ahaan 10 milyan oo dollarka Mareykanka ah ka helaan dhoofinta dhuxusha sharci darada ah oo loo suuq geeyo Aasiya.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in tani ay Al-Shabaab u fududeyso in ay ku maalgeliso holwgaladeeda ayna wiiqdo howlgalada la dagaalanka argagixisada ee gudaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*