Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in ciidamadooda iyo kuwa AMISOM ay burburiyeen saldhigyo ay al-Shabaab lahaayeen

Wasiirka warfaafinta dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Maareeye.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka warfaafinta dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay burburiyeen saldhigyo ay lahaayeen maleeshiyada al-Shabaab.

Wasiir Maxamed Cabdi Maareeye ayaa sheegay howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen labada ciidan shalay oo Sabti ahayd in ay ku burburiyeen saldhigyo ay al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Beled Aaamiin oo ku yaala gobolka Shabeelaha Hoose.

Maareeye ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay ugu yaraan toban looga shaki qabo maleeshiyada al-Shabaab.

Saldhigyada la burburiyay ayaa al-Shabaab u isticmaali jireen uruurinta canshuuraha, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in howlgalka aysan ciidamada kala kulmin wax iska cabin ah.

Dowlada federaalka Soomaaliya oo caawimaad ka helaysa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa tobankii sanno u dambaysay dagaal kula jirtay maleeshiyada hubaysan ee al-Shabaab. Maleeshiyada ayaa inta badan laga saaray deegaanadii ay ku xoganaayeen, balse wali waxay haystaan dhul badan oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*