Ciidamo katirsan Puntland oo si kooban ula wareegay garoonka diyaaradaha Garoowe oo dib uga baxay

Ciidamo katirsan Puntland oo kolonyo ah. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamo katirsan Puntland oo maanta oo Sabti ah si kooban ula wareegay garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa dib uga baxay, sida masuuliyiin katirsan garoonka ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Ciidamada oo ka yimid jiida deegaanka Tukaraq ayaa ka xanaaqsanaa mushahaar la’aan ay sheegeen in ay heysatay dhowr bilood.

Masuuliyiin katirsan dowladda ayaa ciidamada ku qanciyay in ay ku noqdaan fadhiyadoodii, sida ay ilo-wareedyo katirsan ciidamada u sheegeen Puntland Mirror.

Sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay, magaalooyinka Puntland oo ay kamidtahay caasimada ayaa ciidamada ka sameeyeen sidaan oo kale iyaga oo qabsaday xarumo dowladeed sida aqalka baarlamaanka iyo bangiga dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*