Dowlad-Goboleedyada oo weli ka aamusan baaqii Wadahadal ee Madaxweyne Xasan Shiikh

Puntland Mirror
0 Min Read
Calamada maamul goboleedyada. [Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Qaar katirsan dowlad-goboleedyada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin baaqa gogosha ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan, oo xilkiisu dhammaanayo May 2026-ka, ayaa ku baaqay in uu dhigayo wadahadal lagu xallinayo arrimaha cakiran ee dalka, oo ay ka mid yihiin khataraha kooxaha argagixisada ah.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo waraysi siiyay warbaahita maxaliga ah asbuucaan ayaa sheegay in aysan u qorshaysnayn madaxweynihiisa Siciid Cabdullahi Deni in uu ka qeybgalo gogoshaas, isaga oo ku andacooday in uu ku mashquulsanyahay dagaalka Daacish.

Inkasta oo siyaasiin caan ah, oo ay ku jiraan madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore, ay soo dhaweeyeen wadahadalka, haddana wali ma jiro wax jawaab ah oo ka yimid madaxda dowlad-goboleedyada, kuwaas oo ah saamileyda ugu waaweyn ee siyaasadda dalka.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *