Ciidamada Puntland oo wariye ku xiray gudaha magaalada Garoowe

Wariye Cumar Maxamed. [Sawirka: Facebook/omarmohamed]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland ayaa wariye ku xiray gudaha magaalada Garoowe, sida ay xaqiijiyeen Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP.

Cumar Maxamed oo la shaqeeya mareegta Horseed Media ayaa lagu xiray gaudaha Garoowe caawa oo Axad ah, sida ay sheegeen MAP.

Ma cadda sababta loo xiray Cumar, balse tani waa mid kamid ah cadaadis ka dhan ah warbaahinta oo dowladdu ay masuul ka tahay.

Dhowr wariye ayaa lagu xiray gudaha Puntland intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, taasoo kordhinaysa walaaca xoriyada warbaahinta ka shaqaysa gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*