Ciidamada Jubbaland oo dib uga qabsaday degmada Badhaadhe maleeshiyada Al-Shabaab

Ciidamada Jubbaland oo dib uga qabsaday degmada Badhaadhe maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Ciidamada Jubbaland oo dib uga qabsaday degmada Badhaadhe maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Ciidamada maamul goboleedka Jubbaland oo ay taageerayaan ciidamada Kenya oo hoos taga howlgalka AMISOM ayaa maanta oo Talaado ah dib uga qabsaday degmada Badhaadhe maleeshiyada Al-Shabaab, sida uu sheegay wasiir.

Cabdirashiid Xasan Nuur, oo ah wasiirka amniga Jubbaland ayaa laanta Af-Soomaaliga BBC u sheegay in ciidamada huwanta ah ay gacan buuxda ku dhigeen degmada ayna dileen dhowr maleeshiyo oo Al-Shabaab ah.

“Ciidamadayada iyo kuwa AMISOM ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay degmada Badhaadhe, waxaanu dilnay argagixiso badan,” ayuu Cabdirashiid u sheegay BBC Soomaali.

Badhaadhe waxay qiyaastii 180 km u jirtaa magaalada Kismaayo, degmada ayaa gacanta u gashay Al-Shabaab 26-dii Janaayo sanadkii lasoo dhaafay ee 2016-ka.

Al-Shabaab ayaa banaanka looga saaray magaalada Kismaayo bartamihii 2012-kii, balse wali waxa ay joogaan deegaano balaaran oo kuyaala gobolada Jubbooyinka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*