Ciidamada dowladda Soomaaliya oo sargaal sare oo Al-Shabaab katirsanaa ku dilay gudaha gobolka Gedo

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo sargaal sare oo Al-Shabaab katirsanaa ku dilay gudaha gobolka Gedo. [Sawirka: Archive]
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo sargaal sare oo Al-Shabaab katirsanaa ku dilay gudaha gobolka Gedo. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Soomaaliya ee jooga gobolka Gedo ayaa dilay sargaal sare oo Al-Shabaab katirsan, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Waxaa la dhihi jirey sargaalka la dilay Cabdullaahi Khannaas kaasoo ahaa hoggaamiyihii Al-Shabaab ee gobolka Gedo.

Dilka ayaa ka dhacay xalay oo Axad ahayd gudaha Tuulada Tuulo-barwaaqo kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen kolonyo maleeshiyo Al-Shabaab ah kuwaasoo ku sii jeeday xero tababar oo halkaas kutaala, sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan.

Tuulo-barwaaqo ayaa qiyaastii 18 km u jirta magaalada Garbaahrey, ee xarunta gobolka Gedo.

Intii lagu guda jirey sanadadii u dambeeyay ee lasoo dhaafay, saraakiil sare oo Al-Shabaab katirsanaa ayaa lagu dilay duqeyn ee geysteen Mareykanku iyo weeraro ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*