Ciidamada booliiska gobolka Washington ee Maraykanka oo qabtay ninka looga shaki qabo weerarkii toogashada ahaa ee ka dhacay xarunta dukaamaysiga Cascade Mall ee magaalada Seattle

Ninka looga shaki qabo in uu weerarka geystay, Arcan Cetin. Sawirka: Puntland Mirror.

Washington-(Puntland Mirror) Ninka looga shaki qabo weerar toogasho ah oo Jimcadii ka dhacay xarun dukaamaysi oo kutaala gobolka Washington ee dalka Maraykanka, taasoo ay ku dhinteen shan qof, ayaa la qabtay, sida ay sheegeen haayadaha amaanka.

Ciidamada booliiska gobolka Washington ayaa u aqoonsaday ninka looga shaki qabo weerarka Arcan Cetin oo 20-sanno jir ah, sida ay booliiska ku sheegeen boggooda Twitter-ka.

Haayadaha amaanka ayaa sheegay mar sii horeysay in ninka laga shaki-qabo la xiray fiidnimadii Sabtida.

Nin qori ku hubaysan ayaa rasaas ooda uga qaaday xarunta dukaamaysiga Cascade Mall oo kutaala magaalada Seattle ee gobolka Washington maalintii Jimcada ee lasoo dhaafay, waxaana weerarka ku dhintay afar haween ah iyo hal nin.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*