Ciidamada amaanka Puntland ee PSF oo ugu yaraan 10 looga shaki qabo al-Shabaab ku qabtay Gaalkacyo

PSF
Askari kamid ah ciidamada PSF Puntland oo baaraya guri intii lagu guda jiray howlgalka gaarka ah ee Gaalkacyo.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ciidamada amaanka dowlada Puntland ee (PSF) ayaa gacanta ku dhigay ilaa iyo 10 qof oo looga shaki qabo maleeshiyada al-Shabaab kadib markii ay ciidamada howlgalo gaar ah ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo shalay oo jimce ahayd.

Sarkaal katirsan ciidamada PSF oo magaciisa ka gaabsaday sababtoo ah looma ogola inuu saxaafada la hadlo ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen ugu yaraan 10 qof oo looga shaki qabo kooxda al-Shabaab, kuwaasoo ku dhuumanayay meelo kuyaala xaafadaha koonfurta iyo waqooyiga ee magaalada Gaalkacyo.

Howlgalkan ugu dambeeyay ee ciidamada PSF ayaa imaanaya labo beri kadib markii howlgal ay si wadajir ah uga fuliyeen xaafada Koonfurta Gaalkacyo ciidamada PSF iyo ciidamada Danab ee dowlada federaalka Soomaaliya lagu soo qabtay shan sarkaal oo al-Shabaab ah oo uu ku jiro nin ajnabi ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*