Cabdikariim Xuseen Guuleed oo arrimo caafimaad isaga casilay madaxweynenimada maamulka Galmudug

Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Cabdikariim Guuleed oo xilkii ka qaaday wasiirkii arrimaha gudaha. [Sawirka: Archive]
Hoggaamiyihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariim Guuleed. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynihii maamulka Gamudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa iska casilay xilkiisii maanta oo Axad ah, isaga oo uu sababeeyay is-casiladiisa xaalad caafimaad.

10-kii bishii lasoo dhaafay ee Janaayo ee sanadkan 2017-ka, Xildhibaanada maamulka Galmudug ayaa xilka ka qaaday Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyaga oo ku eedeeyay wax-qabad la’aan, balse wakhtigaas waa uu diiday xil ka qaadista.

Cabdikariim ayaa hadda lagu dabiibayaa isbitaal kuyaala gudaha dalka Hindiya,halkaas oo sanad kahor qaliin loogu sameeyay dhanka wadnaha ah sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*