Banaanbax looga soo horjeedo ka noqoshada go’aankii lagu joojiyay baabuurta ka timaada Koonfurta Soomaaliya oo Gaalkacyo ka dhacay

banaanbax-gaalkacyo
Banaanbaxa ka dhacay maanta oo Khamiis ah magaalada Gaalkacyo. Sawirka: Puntland Mirror.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Banaanbax looga soo horjeedo ka noqoshada go’aan ay dhawaan gaartay dowlada Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Boqolaal dad shacab ah ayaa ka qaybgalay banaanbaxa, iyagoo sheegay in ay si xoogan uga soo horjeedaan go’aanka uu Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali uu uga noqonayo xanibaadii baabuurta ka timaada koonfurta Soomaaliya.

Bilowgii bishaan ayaa madaxweyne ku xigeenka Puntland soo saaray go’aan lagu joojinayo dhamaan baabuurtii ka imaan jirtay koonfurta Gaalkacyo, kadib qarax weyn oo ka dhacay magaalada oo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof.

Dowlada Puntland ayaa sheegtay in qaraxaas lagu soo qorsheeyay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaas.

Banaanbaxayaasha ayaa sheegay in go’aankii madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiim Cumar Camay uu magaalada u horseeday nabadgalyo.

Gaalkacyo ayaa u qaybsanta labo dhinac iyadoo dhanka koonfurta ay maamusho maamulka yar ee Galmudug halka dhanka waqooyiga oo ugu weyn magaalada ay maamusho dowlada Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*