Al-Shabaab oo weerartay saldhig booliis oo ku yaala waqooyi bari Kenya

al-shabab armed group
al-Shabaab.

Booliiska Kenya ayaa sheegay maanta oo Sabti ah in maleeshiyaad ka badan 100 oo al-Shabaab ah ay soo weerareen saldhig booliis oo ku yaala waqooyiga bari ee dalka Kenya saqdii dhexe ee xalay, kuwaasoo dhaawacay hal askari.

Kormeeraha booliiska Kenya, Joseph Boinnet ayaa xaqiijiyay weerarka. “Ciidanka waa ay iska difaaceen waana ay la dagaalameen inkastoo tirada dagaalyahanada ay ka badnaayeen 100 ayna wateen saddex gaari iyo hub culus oo madaafiic ah,” ayuu yiri.

Xog laga helay sarkaal booliiska ah oo codsaday in aan la sheegin magaciisa ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay in dagaalyahanada ay qaateen in ka badan 10,000 oo rasaas ah, 13 qori oo AK-47 ah, dharka booliiska iyo waxyaale kale.

Saldhiga uu weerarka ka dhacay oo lagu magacaabo Dif oo ku yaala magaalada Waajir ayaa horey al-Shabaab ay weerar kan lamid ugu qaaday bartamihii bisha April markaas oo ay ku dhaawacmeen saddex sarkaal oo booliis ah gaari booliiska lahaayeena ay ku gaxaysteen.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*