Al-Shabaab oo la wareegtay magaalada Tiyeeglow kadib markii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya

al-shabab
Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dagaalyahano hubaysan oo katirsan Al-Shabaab ayaa la wareegay magaalada Tiyeeglow ee gobolka Bakool maanta oo Arbaco ah kadib markii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada Soomaaliya, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay, in dad badan oo dadka deegaanka ahaa ay ka carareen magaalada saakay oo Arbaco ah kadib markii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya, iyaga oo ka baqaya maleeshiyada.

Intii lagu guda jiray bilihii u dambeeyay, tani waa markii afraad oo ay maleeshiyada gudaha u galaan magaalo kutaala koonfurta Soomaaliya kadib ka bixida ciidamada Itoobiya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*