Saddexda nin oo labo ay walaalo tahay ayaa maxkmadaha Puntland ku xukumeen dil toogasho ah kadib markii lagu helay in ay kufsadeen oo ay dileen Caasho Ilyaas Adan.
Dhacaanada DNA oo laga qaaday saddexda nin ayaa cadeeyay in ay dambigaas galeen, taasoo ka dhigtay markii ugu horeysay gudaha Soomaaliya oo DNA loo adeegsado si loo baaro dambi noocaas oo kale ah.
Dambiga ka dhanka ah gabadha yar ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo bishii Febaraayo ee sanadkii 2019.
Gaboodfalkaas ka dhanka ahaa gabadha yar ayaa caro weyn ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.