Xarumaha waxbarashada Laascaanood oo dib u furmay 8 bilood kadib

Arday galaysa iskuulka Golden Bridge ee magaalada Laascaanood, Sept 17, 2023. [Isha Sawirka: Halbeeg Media Inc]

Laascaanood-(Puntland Mirror) Xarumaha waxbarashada ayaa dib u howlgalay gudaha magaalada Laascaanood ee gobolka Sool kadib sideed bilood oo colaad ay ka jirtay magaalada, taasoo saamayn weyn u geysatay goobaha waxbrashada.

Tan iyo bishii Febaraayo 2023 waxaa magaalada ka socday dagaal u dhaxeeya ciidanka SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland, iyadoo ciidamada Somaliland ay duqeyn aan loo meel dayin ka sameeyeen magaalada, taasoo burburisay xarumo waxbarasho oo ay kamid ahaayeen iskuulo iyo jaamacado.

Warbixin uu dhawaan soo saaray machadka cilmi-baarista SIDRA oo fadhigiisu yahay Garoowe ayaa lagu sheegay in colaaddii siddeedda bilood socotay ee u dhaxaysay SSC-Khaatumo iyo Somaliland ay saamayn taban ku yeelatay nidaamkii waxbarasho ee magaalada Laascaanood, taasoo sababtay in arday tiradoodu dhan tahay 54,000 oo dhiganayay 345 goob waxbarasho ay kala go’day waxbarashadii.

25-kii August, 2023, ciidamada SSC-Khaatumo ayaa guul weyn ka gaaray ciidanka Somaliland kadib sideed bilood oo dagaal dhiig badan ku daatay, taasoo keentay in ciidamada SSC-Khaatumo ay gaaraan deegaanka xadkooda ee Oog oo qiyaastii 90 km u jira magaalada Laascaanood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*