Dooni sida badeeco oo ay suurtagal tahay in ay ku degto xeebta Boosaaso

Doonida oo ku caariday xeebta magaalada Boosaaso. [Sawirka: Facebook]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Dooni ganacsi oo sida badeeco gaareysa 1500 tan ayaa macquul ay tahay in ku degto Badda Cas ee Boosaaso kadib markii masuuliyiinta dekada Boosaaso ay diideen in ay ku soo xirato dekada, sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu.

Sawiro lasoo dhiggay baraha bulshada ayaa muujinaya doonida oo ku caariday xeebta magaalada Boosaaso.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay masuuliyiinta Puntland oo ku saabsan doonida.

Puntland ayaa dekada Boosaaso ayaa si rasmi ah ugu wareejisay shirkada DP World bishiii Oktoobar ee sanadkii 2017-kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*