“Waxaan ogahay dhibbaatada Al-Shabaab ee ka jirta buuraha Galgala ee gobolka Bari in 85% ay Somaliland qeyb ka tahay,” ayuu yiri.
Maalmihii dhawaa ee lasoo dhaafay, xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ayaa xumaatay kadib markii ciidamo ka socda Somailand ay la wareegeen gacan ku heynta tuulada Tukaraq oo ay kusoo qaadeen weerar habeenimo ah. Labada dhinac ee dariska ah ayaa ciidamo badan geeyay gobolka Sool.