Wasiirka cusub waxbarashada Soomaaliya oo xilka la wareegay

waxbarasho (2)

 

Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka cusub ee waxbarashada Soomaaliya Cabduqaadir Cali Xaashi ayaa maanta xilka la wareegay.

Munaasabada xil wareejinta oo ka dhacday xafiiska Raysulwasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa kasoo qaybgalay saraakiil dowlada katirsan oo uu kamid ahaa wasiirka cadaalada Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilko-jiir) iyo xubno kale.

Wasiir dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bile Nuur ayaa ku wareejiyey warqadaha shaqada ee Wasaaradda Wasiirka Cusub, waxana uu faah-faahin ka bixiyey wax yaabihii u soo qabsoomay mudadii ay xilka haysay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Khadar Bashiir Cali.

Wasiiradii hore waxbarashada Soomaaliya Marwo Khadro Bashiir Cali ayaan kasoo qaybgalin munaasabada xil-wareejinta.

RW Soomaaliya ayaa dhawaan xilka ka qaaday wasiiradii waxbarashada Khadro Bashiir Cali iyo wasiiradii Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed.

Xilka qaadistan ayaa ku lug leh diyaargarowga doorashada Soomaaliya sida warsidaha Puntland Mirror ogsoonyahay, labada wasiir oo cusub ee lagu badalay labadii wasiir hore ayaa katirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya ee hadda jira.

Cabduqaadir Cabdi Xaashi ayaa horey u soo noqday wasiir dowlihii qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ee dowlada Puntland xilligii dowladii Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*