Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa maanta gaaray xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kiinya.
Wefdiga ayaa hordhac u ah Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayo inuu maanta halkaas gaaro.
Sidoo kale waxaa Dhadhaab gaaray wefdi ka socda Kiinya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kiinya.
Dowlada Kiinya ayaa dhawaan sheegtay in ay xiri doondo xeryaha qaxootiga ee ku yaala dalkaas halkaas oo ay ku jiraan ilaa iyo 300,000 qof oo Soomaali ah.