Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wasiiro katirsan dowladda Puntland oo ay kamid ahaayeen wasiirka maaliayadda Xasan Shire Abgaal iyo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.
Isaga oo saxaafadda la hadlay, Abshir waxa uu sheegay in uu hoggaaminayo wefdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hordhac u ah safar madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu ku imaanayo Puntland.
Wasiirka iyo wefdigiisa ayaa waxaa madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cusmaan.